Muqdisho (Caasimada)- Kulan saacado qaatay oo caawa magaalada Muqdisho ku dhex maray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo midowga murashaxiinta oo ay wehliyeen xildhibaanada mucaarad ayaa lagu lafa guray xaalada dalka iyo isbadalada siyaasadeed ee dhacay 24-kii saac lasoo dhaafay.
Kulanka oo ahaa mid ku yimid dalabka Ra’iisul wasaare Rooble, kana dhacay guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ugu horeeyaan dhacdooyinkii iyo qalalaasihii habeenadii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho iyo sidii xal looga gaari lahaa waxaa la isla gartay dhowr qodob uu saldhig u noqon doona in amniga magaalada Muqdisho laga shaqeeyo iyo sidii dib loogu noqon lahaa doorashadii lagu heshiiyay 17-kii September.
Waxaa qodobadii la isla gartay ee lagu heshiiyay baahiyay wasiir kuxigeenka xukuumadda xil gaarsiinta C/raxmaan Yusuf Al-caddaala oo shirka ka qeyb galay isagoo sheegay in shirki guul kusoo dhamaaday lagana wada shaqeeyo sidii xal loogu heli lahaa in mar kale magaalada ka dhicin iska horimaadyo kale, in laga shaqeeyo xasiloonida caasimada iyo sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen dadkii ka barakacay magaalada.
Wasiir Al-caddaala ayaa intaa raaciyay in labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan sidii dib loogu noqon lahaa doorasho ku saleysan heshiiskii 17-kii Septembar la gaaray si loo qabto doorasho la isla ogal yahay.
Madaxdii ka qeybgashay kulankaasi ee midowga murashaxiinta oo ugu horeeyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh, RW hore Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/Shakuur, C/qaadir Cosoble, Mustaf DHuxuloow, iyo xildhibaanada mucaaradka ayaa si wada jir ah usoo dhoweeyay iyagoona si dadban u sheegay in fulinta qodobadaasi madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday aan lagu aamini karin.
The post Maxaa kasoo baxay shirkii ra’iisul wasaare Rooble la yeeshay Qoor Qoor, Guudlaawe iyo midowga Murashaxiinta? appeared first on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/maxaa-kasoo-baxay-shirkii-raiisul-wasaare-rooble-la-yeeshay-qoor-qoor-guudlaawe-iyo-murashaxiinta/
0 Comments