Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka bangiga dhexe oo war qoraal soo saaray ayaa digniin culus u diray Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla dalka, wuxuuna faray inay socod-siiyaan isticmaalka lacagta 50-ka Dollerka Mareykanka.
Bangiga dhexe ayaa shaaca ka qaaday inuu sameeyey baaritaan dheer, islamarkaana ay ku godaadeen in aysan jirin lacag been abuur ah oo dalka lasoo geliyey.
Sidoo kale bangiga ayaa ku amray ganacsatada Soomaaliyeed inay qaataan lacagta 50-ka Dollerka oo beryihii dambe laga diidayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Maamulka bangiga ayaa sidoo kale ku booriyey Xawaaladaha, Bangiyada iyo Ganacsatada inay taxadar muujiyaan, kana feejignaadaan lacagaha been abuurka ah.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya, kadib ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu shalay la qaatay maamulka Bangiga Dhexe ee dalka, kaas oo looga hadlay arrimaha maaliyadda.

source https://www.caasimada.net/bangiga-dhexe-oo-soo-saaray-digniin-ku-socota-xawaaladaha-iyo-bangiyada-dalka/
0 Comments