Al-Shabaab oo digniin kasoo saartay tallaalka AstraZeneca

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay ka hadashay tallaalka ka hortegga Covid-19 ee AstraZeneca, kaas oo la keenay dalka.

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxa ay shaki weyn uga muujiyeen waxtarka iyo badqabka tallaalkan oo horey u joojiyeen qaar ka mid ah wadamada reer Yurub.

Sidoo kale kooxda Al Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay inay isticmaalaan tallaalka ka hortegga Coronavirus ee loo yaqaano AstraZeneca.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka in Alle bari ay sameeyaan, si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh.

Ugu dambeyn bayaankan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn hubinta tallaalkan, maadaama aysan heysan sheybaar casri ah.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya uu soo gaaray tallaalka AstraZeneca, kaas oo isticmaalkiisa laga bilaabay qeybo badan oo ka mid ah dalka.



source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-digniin-kasoo-saartay-tallaalka-astrazeneca/

Post a Comment

0 Comments