Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qarixii saaka aroortii hore ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo sidoo kale dhaawac.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Caasimada ayaa ahaa nooca miinada ee soo boodada ah, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga la qarxiyey uu watay taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Genaral Cabaas Amiin Cali, walow uu ka bad-baaday miinadaasi.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay waxyeelo soo gaartay qaar ka mid ah ciidamadii uu watay, waxaana qaraxa ku dhintay 1 askari, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Waxaa sidoo kale weerarkan qaraxa ah ku dhintay hal qof oo ahaa wade mooto Bajaajle, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo oo qof kale oo Bajaajle ah, kuwaas oo jidka marayey.
Weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda oo lagu faah faahinyey miinadaasi, balse waxaa goobta gaaray ciidamo sameeyey baaritaano kooban.
Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa fuliso weerarada ceynkan oo kale ah oo maalmahan kusoo badanayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
source https://www.caasimada.net/yuu-ahaa-bartilmaameedka-qarixii-ka-dhacay-wadada-cabdiqaasim/
0 Comments