Xog: Xiisadda Gedo oo loo helay xal laba qodob ah iyo wararkii ugu dambeeyey shirka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, ayaa u muuqda inuu ku dhow yahay in xal buuxa laga gaaro arrinta gobolka Gedo oo xuddun u ah khilaafka ka dhashay doorashada dalka ee 2021-ka.

Madaxda dowladda federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Gobolla Banaadir ayaa is-faham bilow ah ka gaaray xiisada gobolka Gedo oo muddooyinkii dambe ay xiisad xoogan ka taagneyd, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Dhinacyada ku shiraya Dhuusamareeb ayaa isla gartay dhowr qodob oo la rumeysan yahay inay xal u noqon karaa xiisadda Gedo, taasi oo dowladda federaalka iyo Jubaland ay wada aqbali karaa.

Arrinta Gedo ayaa waxaa xalkeeda loo saaray Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle, si ay xal buuxa uga gaaraan, waxayna soo jeediyaan in arrintan lagu xaliyo qodobada hoose.

1- In Ciidamo Boolis AMISOM la geeyo Garbahaarey, oo ah magaalada labaad ee Jubaland ee doorashada ay ka dhaceyso, si labada dhinacba aysan awoodda doorashada u yeelan.

2- In Guddiga Doorashada Jubbaland la geeyo Garbahaarey, si doorashada ay halkaas uga qabtaan.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa sidoo kale doonaya in maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland lagu celiyo Garbahaarey, gaar ahaan duqa magaalada, taasi oo meesha ka saareysa maamulka ay dowladda federaalka u sameysatay gobolkaas.

Xiisada gobolka Gedo ayaa u muuqata mid xalkeeda dhow yahay, haddii dalabka Axmed Madoobee haray la aqbalo, si hore loogu sii amba-qaadida hanaanka doorashada, xili muddo ka yar toddoba maalmoood uu ka harsan yahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.



source https://www.caasimada.net/xog-xiisadda-gedo-oo-loo-helay-xal-laba-qodob-ah-iyo-wararkii-ugu-dambeeyey-shirka/

Post a Comment

0 Comments