Taliyaha NISA ee magaalada Dhuusamareeb oo la dilay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas qarax lagu dilay Taliyaha ciidanka Nabad-Sugida magaalada Dhuusamareeb, Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiqdoon.

Qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano Miinada ayaa waxa uu haleelay Gaari ay saarnaayeen Taliyaha iyo ilaaladiisa, xili ay marayeen meel u dhow deegaanka Ceel Dheere oo 30-KM u jirta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo ayaa sheegaya in ilaa 14 askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka ay ku dhinteen qaraxaas, oo jugtiisa laga maqlay deegaano ka tirsan gobolak Galgaduud.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu xiligan socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana xoog u kacsan xaalada deegaanka Ceel Dheere.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online



source https://www.caasimada.net/taliyaha-nisa-ee-magaalada-dhuusamareeb-oo-la-dilay/

Post a Comment

0 Comments