Sawirro: Somtel oo Muqdisho kusoo bandhigtay adeegyo aan dalka horey uga jirin

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah-furtay oo soo bandhigtay adeegyo casri ah, kuwaasi oo loogu tala-galay dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Adeegyada cusub ee shirkaddu soo bandhigtay ayaa waxay kala yihiin; Kaabe & Kaydso, oo door muhiim ah ka ciyaaraya baahida dad weynaha, islamarkaana ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabada lagu soo bandhigayey adeegyadan cusub ayaa waxay ka qabsoomtay hotelka Carmel, waxaana kasoo qeyb-galay mas’uuliyiinta sare ee Somtel, Dahabshiil Group, Ururda bulshada rayidka, bahda waxbarashada, ururada dhalinyarada, maamulka isbitaalada Muqdisho iyo bulshada qeybaheeda kale.

Ugu horeyntii waxaa munaasabadan hadal ka jeediyay Madaxa suuq-geynta Somtel, Axmed Ciise Xaaji oo tibaaxay in shirkada Somtel tahay shirkadii ugu horeysay ee dalka ka hirgelisay adeegyadan wax ku oolka ah, kuwaasi oo bulshada u baahi qabeen.

Maareeyaha guud ee Somtel, Mudane C/raxmaan Isaaq Cali oo isaguna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkada Somtel ay amaah siineyso malaayiin Soomaali ah, taasi oo uu u sahlayo adeegan cusub.

 “Somtel amaah qardu xasan ah ayey siineeysaa malaayiin qof, kalsooni buuxda ayey ku qabta bulshada Soomaaliyeed waa bulsho ku wanaagsan amaanada sharaftoodana ilaalsada,” ayuu yiri.

Waxaa ugu danbeyntiina munaasabada soo xiray Maareeyaha guud ee Dahabshil Group, Mudane Xasan Cabdi Cawad oo ku booriyay ka soo qeyb-galayaasha munaasabada isticmaalka adeegyadan cusub oo markii u horeysay laga hirgeliyay dalka.

“Soomaalida kuma wanaagsana wax keydsiga waa cadeyn u ah tirada dadka bangiyada wax dhigta oo aad u yar adeegga kaydso waa nafsadaada ka goo oo nafsadaada u goo”.

Ma ahan markii ugu horeysay ee shirkadda Somtel soo kordhiso adeegyo cusub, waxaana xusid mudan in shirkaddu markasta u tagaan tahay in mar walba la wadaagto bulshada Soomaliyeed adeegyo cusub oo casri ah

Haddaba, hoos kaga bogo faah-faahin ku saabsan adeegyadan cusub ee maanta shirkada Somtel ay ku daah-furtay magaalada Muqdisho;

Adeeggga Kaabe: Waa adeegg u sahlaya macamiisha Somtel Inay Helaan amaah lacageed oo iyagoo isticmaalaya simcardka somtel kuna helaan eDahab ahaan

Macmiilku wuxuu uga faa’iideysan karaa lacagta deynta Prepaid ahaan, sidoo kale Data Internet ahaan & lacag kaash ah intaba si uu ugu isticmaalo baahidiisa gaarka ah

Macmiilku waxa uu amaahan karaa lacag dhan ($1- $100) iyadoo laga doonayo inuu mudo Todobaad ah ku bixiyo wax khidmad oo dheeri ahna malaga qaadayo.

Macmiil si aad u fuarato kaabe fadlan garaac: *8500#

Adeegga Kaydso: Waxaa isaguna u sahlaya macaamiisha Somtel inay ku keydsadaan simcardkooda malaayiin doolar.

Macaamiilku waxa uu dooranayaa xiliga uu la baxayo dhigaalkiisa maaliyadeed isagoo la bixi kara dhigaalkiisa xiliga uu doortay oo kaliya (3bilood, 6bilood & 12bilood)

Si aad u furato adeegga Kaydso fadlan garaac: *232#



source https://www.caasimada.net/sawirro-somtel-oo-muqdisho-kusoo-bandhigtay-adeegyo-aan-dalka-horey-uga-jirin/

Post a Comment

0 Comments