Sawirro: DF oo daah-furtay diiwaan gelinta diyaaradaha iyo ruqsad-siinta xirfadlayaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah-furtay diiwaan-gelinta Diyaaradaha iyo Rusqad-siinta Xirfadleyaasha, taasi oo muddooyinkii dambe ay wadeen Wasaarada duulista iyo Hay’adda duulista rayidka Soomaliya.

Munaasibadan oo uu daah-furay Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad, isagoona ku bogaadiyay dadaalka hey’adda duulista rayidka Soomaaliyeed iyo howl-wadeenada wasaarada.

Wasiirka ayaa waxa uu ku amaanay shaqaalaha Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimadka dalka iyo hirgelinta nidaamkan cusub.

Munaasibaddan ayaa sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa Wasiirka uu guddoonsiiyay ogolaansho shaqo iyo ruqsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayadda iyo Duuliyayaal Soomaaliyeed.



source https://www.caasimada.net/sawirro-df-oo-daah-furtay-diiwaan-gelinta-diyaaradaha-iyo-ruqsad-siinta-xirfadlayaasha/

Post a Comment

0 Comments