Fanaanad caan ah oo Muqdisho ugu geeriyootay xanuunka Covid19

Muqdisho (Caasimadda Online) – Fanaanadii caanka aheyd Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid aheyd fanaaniintii hoblada qaran ee Waabari ayaa goor dhaw ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Sida la sheegay fanaanadda waxey ku geeriyootay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo maalmahii ugu dambeeyay ay la xanuunsaneysay cudurka safmarka ah ee Caronavirus.

Faadumo Nakruuma waxey ka mid aheyd tiro fanaaniin ah oo dalka dib ugu soo laabtay muddo ay qurbaha ku sugneed, waxeyna ka mid tahay fanaaniinta qaran kuwooda loogu xasuusta badan yahay.

Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu tacsi ugu diraayo ehelka iyo qaraabada ay ka geeriyootay fanaanadda iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma.

AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada.



source https://www.caasimada.net/fanaanad-caan-ah-oo-muqdisho-ugu-geeriyootay-xanuunka-covid19/

Post a Comment

0 Comments