Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay xubnaha beesha caalaamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.
Beesha caalamka ayaa qoraalkan ku shaacisay inay soo dhoweyneyso qabashada shirka uu iclmaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajop), kaas oo lagu wado inuu qabsoomo15-ka bishaan Febraayo.
Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa ka digay in dib u dhac uu ku yimaado shirkaasi, iyada oo sabab laga dhigayo khilaafka ka taagan halka lagu qabanayo.
Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in shirkani uu yahay fursaddii ugu dambeysay ee xalka looga gaaro qabashada doorasho loo wada dhan yahay.
Halka hoose ka aqriso:
Saaxiibada Beesha Caalamka waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.
Saaxiibada caalamku ma aaminsana in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah. Waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyagoo ku wada shaqeynaya niyad wax lagu dhisayo, inay xalliyaan arrimaha yar ee ka harsan wadahadalladii Dhusamareeb isla markaana ay ku heshiiyaan jadwal doorasho oo gaaban kaas oo lagama maarmaan u ah hirgelinta Heshiiskii 17kii Sebtembar.
Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay.
Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya
source https://www.caasimada.net/beesha-caalamka-oo-ka-digtay-dib-dhac-ku-yimaada-shirka-15-ka-febraayo/
0 Comments