Muqdishoi (Caasimada Onlin) – Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dilkii xalay Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa marka hore ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, wuxuuna sheegay in wax laga naxo ay tahay inuu ku baxay gacanta ciidanka amniga.
Farxaan Cali Axmed ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay saraakiishii iyo askartii ku sugneyd goobta uu dilku ka dhacaym, isaga oo shaaciyey in haatan ay ku xiran yihiin xarunta hay’adda CID-da, islamarkaana lagu weydiinayo su’aallo dheeri ah.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciddii ku lug yeelataa dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan la horgeyn doono sharciga, lagana qaadi doono tallaabo adag.
“Waa wax laga naxo in ciidamadeenii uu gacantooda ku baxo, waxaan caddeyneynaa in saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise in gacanta lagu dhigay oo baaritaan ay CID-da u joogaan,” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Farxaan Cali Axmed.
Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Cidii ku lug yeelata sharciga ayaa la horgeyn doonaa,”.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed inay is dajiyaan, kana war sugayaan natiijada baaritaanada socda ee ay wado dowladda Soomaaliya.
Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay ku soo laabtay, kadib dhaawicii loogu qaaday Turkiga ayaa xalay lagu dilay agagaarka isgoyska Howl-wadaag, kadib is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
source https://www.caasimada.net/df-soomaaliya-oo-war-cusub-kasoo-saartay-dilkii-dhagajuun-video/
0 Comments