Shan caruur ah oo ku dhintay dagaalka Beledxaawo, kadib madfac ku dhacay gurigooda

Beledxaawo (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland oo uu horkacayo wasiir Janan.

Dhimashada ayaa haatan ka badan illaa 10 qof, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo la soo sheegayo, waxaana dadka ay waxyeealada soo gaartay ka mid ah shacab aan waxba galabsan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan illaa 5 xaruur ah oo isku qoys ahaa, kuwaas oo uu madfac ugu tegay hoygooda, waxaana ka bad-baaday Aabahood oolagu magacaabo Cabdiwali Turmaag Maxamed, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa aad u cakiran, waxaana dagaalka uu weli ka socdaa qeybo ka mid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheeganaya dagaalka oo ah mid culus, iyada oo is-gaarsiinta magaalada ay haatan aad u xun tahay.

Beledxaawo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan, kadib markii ay dagaal kula wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.



source https://www.caasimada.net/shan-caruur-ah-oo-ku-dhintay-dagaalka-beledxaawo-kadib-madfac-ku-dhacay-gurigooda/

Post a Comment

0 Comments