Mas’uuliyiin caan ahaa oo lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta mas’uuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & dhawaac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda maamulka Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin (Cali Yare) iyo guddoomiyihii Dhalinyarada deegaankaasi Cabdirashiid Dubad, kuwaas oo saarnaa baabuurka la qarxiyey.

Dubad ayaa sidoo kale horey u ahaa wariye caan ah oo ka howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaan meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo maamulka deegaanka Garasbaaley ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo meydka marxuumiinta ka qaaday halkaasi.

Inta badan qaraxyo nooca miinada ah ayaa ka dhaca duleedka caasimada, gaar ahaan wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.



source https://www.caasimada.net/masuuliyiin-caan-ahaa-oo-lagu-dilay-qarax-ka-dhacay-duleedka-muqdisho/

Post a Comment

0 Comments