Itoobiya oo ka hadashay ciidamada Soomaalida ee la sheegay inay ka dagaalmeen Gobolka Tigray

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan in Ciidamo ka tirsan Soomaaliya ay ka dagaalameen Gobolka Tigray.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda Itoobiya Dina Mufti ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin inay Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ka dagaalameen ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay daka Eritrea.

” Waan aragnay wararka sheegayo in ciidamo Eritrea kasoo jeedo ay kasoo gudbeen xuduuda Itoobiya, sidoo kalana waan aragnay wararka kale ee ku saabsan in Ciidamo u dhashay Soomaaliya ay ka qeyb galeen dagaalkii lagu qaaday Gobolka Tigray, waxaana xaqiijinayaa in labada warba ay yihiin been abuur aan waxba ka jirin” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Itoobiya.

Hadalka kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayaa imaanayo xilli dhawaan Dowladda Soomaaliya ay iyadana dhankeeda wax kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegayo in ciidamo Soomaali ah lagu laayey dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigray.

Dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eretria ayaa horey u kala saxiixday heshiis seddex geesood ah, waxaana qodobada heshiiskaas kamid ah inay dhinacyada iska kaashadaan dhanka ammaanka taasoo ah midda keentay shakiga ah in ciidamo ka tirsan Soomaaliya ay ka dagaalameen Gobolkaas.

Waalidiin badan oo markii warkaan uu soo baxay la hadlay warbaahinta  ayaa dheegay in ilmahooda aysan warkooda maqlin ku dhawaad hal sano, iyagoo tilmaamay in markii la qaadayey loo sheegay in tababar loo geynayo dalka Eretrea .



source https://www.caasimada.net/itoobiya-oo-ka-hadashay-ciidamada-soomaalida-ee-la-sheegay-inay-ka-dagaalmeen-gobolka-tigray/

Post a Comment

0 Comments