Gaari ay la socdeen siyaasiyiin oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiiyiin caan ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay agagaarka sarta Beexaani ee degmada Shibis, iyada oo warar kala duwan laga helayo khasaaraha ka dhashay miinadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari ay la socdeen siyaasiyiinta Xuseen Caraale Cadaan iyo Muxudiin Xasan Afrax oo labaduba ah xildhibaano hore.

Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale jira, balse weli ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in siyaasiyiinta qaraxa lala beegsaday ay dhaawacyo soo gaareen, sidoo kalena ay geeriyoodeen askar ilaalo u aheyd.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo bilaabay baaritaano dheeraad ah.



source https://www.caasimada.net/war-deg-deg-qarax-goor-dhow-ka-dhacay-magaalada-muqdisho/

Post a Comment

0 Comments