Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu la socday guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid, Axmed Cabdullaahi Cariif, iyada oo laga helayo warar kala duwan.
Sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray dad shacab ah oo ka agdhowaa goobta uu qaraxu ka dhacay.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.
Shalay ayey aheyd markii qarax kan la mid ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga Garasbaaley iyo midkii dhalinyarada ee deegaankaasi.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-guddoomiyaha-degmada-yaaqshiid-oo-qarax-lagula-eegtay-muqdisho/
0 Comments