Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo la hadlayey warbaahinta sheegay in heegan buuxa la galiyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Galmudug, si ay u qaadaan duulaan ka dhan ah Al-Shabaab.
Fiqi oo ku sugan aaga Camaara ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay diyaar garoobeen, sidii Al-Shabaab oo looga saari lahaa gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu soo dhammaaday abaabulkii ay wadeen, islamarkaana haatan wixii ka dambeeyana ay qaadayaan howl-gallo ballaaran.
Wasiirka amniga Galmudug ayaa sidoo kale shacabka ku boggaadiyey, sida ay ugu istaageen la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay culeys uga imaanayey dhanka Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka fulisay deegaanada maamulkaasi.
Si kastaba ciidamada huwanta ayaa maalmahan bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka socda labada gobol ee Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
source https://www.caasimada.net/ciidamada-xoogga-dalka-kuwa-galmudug-oo-heegan-buuxa-la-geliyey/
0 Comments