Al-Shabaab oo afduubtay in ka badan 50 baabuur

Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararka kasoo baxaya magaalada Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay afduubteen in ka badan 50 gaari oo ay lahaayeen dadka ku nool magaaladaas.

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa xoog ku kaxeystay gawaarida ay lahaayeen dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Xarardheere.

Dadka deegaanka waxey sheegeen in Al-Shabaab ay gawaarida ka kaxeysteen beel ka mid ah laba beelood oo ay diyo u kala qaadeen.

Magaalada Xarardheere waa meelaha ugu badan oo ay ku xoogan yahiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka tirsan bartamaha Soomaaliya.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku guuldareystay iney magaaladaas koonfurta gobolka Mudug dhacda ka xoreeyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.



source https://www.caasimada.net/al-shabaab-oo-afduubtay-in-ka-badan-50-baabuur/

Post a Comment

0 Comments