Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa ku daagalamay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho sida ay sheegeen ilo wareedyo goobta ku sugnaa.

Xaafadda Buundooyinka ee ka tirsan dagmada Waaberi ayey muddo kooban is rasaaseyn ku dhexmartay laba ciidan oo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana halkaas ka dhashay khasare dhimasho iyo dhaawac.

Hal askari ayaa ku dhintay, sidoo kalana mid kale ayaa ku dhaawacmay, mana la helin wax faah-faahin ah oo ku saabsan sababta keentay isku dhaca dagaalka labada ciidan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimadda Online u sheegay in isku socodka dadka iyo gaadiidka uu hakad galay daqiiqado kooban, balse markii dambe ay wax walba caadi kusoo laabteen.

The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/wararkii-ugu-dambeeyay-dagaal-ka-dhacay-xaafad-ka-tirsan-magaalada-muqdisho/

Post a Comment

0 Comments