Warar hor leh oo kasoo baxaya sababta geerida Cali Khaliif Galeyr

Jigjiga (Caasimadda Online) – Cali Khaliif Galeyr oo ra’isul wasaare kasoo noqday Soomaaliya ayaa isagoo 78-jir ah ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada dowlad deegaanka, Cali Khaliif Galeyr wuxuu u dhintay xanuunka Covid19, wasiir ku xigeenka Caafimaadka Mukhtaar Yuusuf ayaa shaaciyay in baaritaanka kadib ay ogaadeen sababta dhimashadiisa, balse waxaa soo baxaya warar taas khilaafaya.

Cadaani Hirmooge oo ah hogaamiyaha ururka ONLF ayaa sheegay in Cali Khaliif Galeyr la sumeeyay isla markaana jirkiisa uu isbadalay.

“Odayga cunto ayaa lagu sumeeyay baal la yiri – wuu shubmay, wuu matagay, qandho ayaa qabatay, jirkiisana wuu isbadalay, jimcadii beyna bilaabatay howshaan” ayuu yiri hogaamiyaha.

Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sababta rasmiga ah ee ka dambeysa geerida Cali Khaliif Galeyr, mana jiraan baaritaan la dalbaday oo la sameynayo.

Dowladda Soomaaliya waxey magacowday guddi qaban-qaabinaya aaska qaran ee Cali Khaliif, balse ma jirto wax baaritaano ah oo ay ku dhawaaqeen si loo ogaado sababta uu u geeriyooday.

Dadka siyaasadda falanqeeya waxey maleynayaan iney jirtay cadaawad hore oo kala dhaxeysay Itoobiya maadaama uu sanadkii 2000 ciidamada Itoobiya ka saaray Gedo oo ay ku sugnaayeen muddo afar sano ah.

The post Warar hor leh oo kasoo baxaya sababta geerida Cali Khaliif Galeyr first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/warar-hor-leh-oo-kasoo-baxaya-sababta-geerida-cali-khaliif-galeyr/

Post a Comment

0 Comments