Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan caasimada ayaa wararku waxa ay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Balack Sea ee degmada Howlwadaag.
Wararka hor dhaca ee soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa is-miidaamin, waxaana meesha uu ka dhacay ka agdhow fariisin ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray aaga ay wax ka dhaceen.
Sidoo kale waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi.
Faah faahinta goor dhow la soco.
The post War deg deg ah: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-qarax-is-miidaamin-ah-oo-ka-dhacay-magaalada-muqdisho/
0 Comments