Sawirro: DF oo ciidamo hor leh geysay xadka Soomaaliya & Kenya

Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa markale ciidamo hor leh u dirtay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay ka dagay garoonka diyaaraha degmada Duulow ee gobolkaasi.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa kumaandooska Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa garoonka Doolow ku soo dhoweeyey saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa nabad-sugida ee ka howl-gala gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Keny, gaar ahaan degmooyinka Beledxaawo & Ceelwaaq.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaas ay ku biiri doonaan kuwa dowladda ee horey u joogay magaalooyinkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda la geeyey xadka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan degmada Beledxaawo.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadayo, iyadoo bishii la soo dhaafay is-rasaaseyn kooban ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay ku dhexmartay xuduuda labada dal, taas oo ay digniin iyo hanjabaad ka soo saartay dowladda Kenya.

 

The post Sawirro: DF oo ciidamo hor leh geysay xadka Soomaaliya & Kenya first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/sawirro-df-oo-ciidamo-hor-leh-geysay-xadka-soomaaliya-kenya/

Post a Comment

0 Comments