Qadka Internet-ka oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Seddaxdii maalmood ee u dambeysay waxaa inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka maqnaa qadka internetka, kaas oo bulshadu sidii loo baahnaa aysan u wada heleyn, in kastoo dadka qaar ay u helayeen si in badan ka xawaare yar sidii uu ahaan jiray.

Haatan waxaa dib u soo laabtay adeegii internetka, gabal-dhicii galabta illaa fiidkii hore ee caawa, waxaana sidaas bulshada ku war-geliyey shirkadaha bixiya adeegga internetka ee ka howlgala koonfurta iyo bartamaha dalka

“Macmiilka Sharafta leh, Waxaan kuugu bishaaraynaynaa in uu si dhammaystiran dib ugu soo noqday adeeggii Internet-ka. Waxaanan kaaga mahad celinaynaa dulqaadkii aad muujisay” waxaa fariintan bulshada adeegsata u dirtay shirkadda Hormuud Telecom.

17-kii bishan wasiirkii boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya ee xiiligaas  Eng. Cabdi Canshuur Xasan oo ka hadlay cillada ku timid qadka Internet-ka ayaa sheegay in cillidan aysan cusbeyn, balse hadda ay suurta gashay in la cillad bixiyo xarigii go’ay 26-kii bishii July oo markaas si ku meel gaar ah loo xalliyey.

“Waa taan ka balan qaadnay bulshada Soomaaliyeed inaan si waafi ah u cilad bixi doono Xarigga internetka markii uu nasoo gaaro qalabkii aan dalbanay, Markabkii xiri lahaa iyo qalabkii xalay saqdii dhexe ayey nasoo gaareen waana laga howlgalay, maalmaha soo socdana waxaan rajeynayaa in bulshadu internet kii hore ka tayo fiican ay hesho,” ayuu xilligaas yiri wasiirkii hore ee  boostada iyo isgaarsiinta Eng. Canshuur.

Haatan waxaa si caadi ah loo isticmaalayaa adeegyada Internetka ee dalka, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha oo maalmihii la soo dhaafay aad cariiri u ahaa, meelaha qaarna aanba laga heleyn.

Weli wax war ah dowladda Soomaaliya kama soo saarin dib u soo laabashada qadka iyo laga saaray cilladii laga sameynayey, maadaama kolkii hore ay wasaaradda boostada iyo isgaarsiintu bulshada la waadaagtay cilladii jirtay.

The post Qadka Internet-ka oo dib ugu soo laabtay Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/qadka-internet-ka-oo-dib-ugu-soo-laabtay-soomaaliya/

Post a Comment

0 Comments