Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka qeyb-galay kulan uu yeeshay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayaa si adag uga hadlay qaabka ay beesha caalamka iyo hay’addaha caalamiga ahba ula tacaamulayaan Somaliland.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn xukuumadiisu in beesha caalamka ay taageeradeeda ama mashaariicda kala duwan ee laga hirgelinayo deegaanada Somaliland ay usoo mariyaan dowladda federaalka, taasi oo ay Somaliland u aragto mid lagu hoos geeyey dowladda federaalka.
Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan, isla markaana loo baahan yahay in beesha caalamku ay kala xaajooto arrimaheeda iyo mashaariicda ay ka fulinayso Somaliland.
Madaxweynaha ayaa ku hanjabay inay joojinayaan xiriirka wada-shaqeyned ee kala dhaxeeya dalalka beesha caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah, haddii ay ku kacaan wax wiiqaya qaranimada Somaliland.
“Anagu kamid ma nihin dowladda Soomaaliya, wixii aad dalkeena tareysaan anaga ayaa nagala tashaneysaan, Ninkii taas aan dooneyn hadduu Hay’ad yahay iyo Dowlad-ba wixiisa ha iska haysto,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in xiligan loo baahan in laga wada-shaqeeyo qaranimada Somaliland, isla markaana meel looga soo wada-jeesto waxkasta oo waxyeelaya qaranimada Somaliland.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan ay Somaliland joojisay xiriirkii wada-shaqeyneyd ee hay’addaha Qaramada Midoobay, kadib markii ay dowladda federaalka la saxiixatay mashruuc laga fulinayo deegaano ka tirsan Somaliland.
The post Muuse Biixi oo u hanjabay beesha caalamka xilli si dadban loo hoos geeyey DF first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/muuse-biixi-oo-u-hanjabay-beesha-caalamka-xilli-si-dadban-loo-hoos-geeyey-df/
0 Comments