Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo warbixin cusub ka soo saartay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabo hor leh oo lagu wajahayo dagaalka adag ee lagula jiro kooxdaasi.
Warbixintan ayaa waxaa lagu sheegay in Mareykanku uu markan diirada saarayo sidii loo xakameyn lahaa ilaha kala duwan oo ay dhaqaalaha ka hesho kooxda Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa ak codsaday dowladda federaalka iyo dowlada goboleedyada inay taageeraan qorshahaasi, si looga hortago in dhaqaale fara badan ay hesho Shabaab.
Dhanka kale Mareykanka ayaa warbixintiisa ku shaaciyey inuu doonayo inuu hoos dhigo qatarta Al-Shabaab ee Soomaaliya, isaga oo ka cunaqabateynaya hubka & qaraxyada
“Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno Soomaaliya sidii ay uga faa’iideysan lahayd nidaamka cunaqabateynta hubka iyo waxyaabaha qarxa.” ayaa lagu yiri warbixinta.
Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka qeyb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo duqeymo dhanka cirka ah markasta ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
The post Mareykanka oo shaaca ka qaaday xeelad uu ku wajahayo Al-Shabaab first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/mareykanka-oo-shaaca-ka-qaaday-xeelad-uu-ku-wajahayo-al-shabaab/
0 Comments