Muqdisho (Caasimada Online ) – Sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee dalka Cuba wuxuu wada-hadal hoose u socdaa dowladda dalkaasi iyo Al-Shabaab, si dib xorriyadooda loogu soo celiyo, Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo ah dhaqaatiir u dhashay Cuba, islamarkaana ay muddo ka badan sanad afduub u heysato Al-Shabaab.
Warbaahinta lagu magacaabo Cibercuba ayaa shaacisay in wada-hadalladaas uu u jeedkooda yahay, sidii Al-Shabaab looga soo deyn lahaa labada dhaqtar.
Cibercuba ayaa sidoo kale warisay in wada-xaadjoodyadaasi ay fududeynayan odayaal dhaqameedyo iyo shaqsiyaad kake, kuwaas oo aan aysan carab-baabin magacyadooda.
Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso in dhaqaale fara badan ay ka sameyso afduubka dhaqaatiirtaasi, iyada oo la shaaciyey in wada-hadallada socda ay ku dalbatay lacag gaareyso 1.5 milyan oo Dollarka Mareykanka ah.
Dowladda Cuba ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sidii ay u soo bad-baadin laheyd dhaqaatiirtaasi oo haatan la sheegay inay Al-Shabaab uga faa’iideystaan daaweynta dagaalyahandooda dagaallada kala duwan ku soo dhaawacma ama ku xanuunsan.
Sidoo kale wada-hadalladan soo shaac-baxay ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Soomaaliya iyo Cuba ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan xaaladda dhaqaatiirtaasi gacanta ugu jirta kooxda Al-Shabaab.
Bishii April ee sanadkii 2019-kii ayaa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez laga soo qafaashay gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana tan iyo xilligaas ay gacanta ugu jiraan dagaalyahanada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
The post Immisa lacag ah ayey Al-Shabaab dalbatay, si ay u deyso dhaqaatiirta Cuba? first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/waa-immisa-lacagta-ay-dalbatay-al-shabaab-si-ay-u-deyso-dhaqaatiirta-u-afduuban-ee-cuba/
0 Comments