Ilwad Elman oo ku guuleysatay Abaal-marinta ugu sarreysa ee AFRIKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilwad Elman oo si weyn ugu ololeyso nabadda ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta ugu sarreysa qaaradda Afrika ee sanadkan 2020-ka.

Ilwad oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa madax ka ah hay’ad loogu magac daray Aabaheed oo la yiraado Elman, taas oo u ololeysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Abaal-marinta ay guuleystay Ilman Elwad oo ah mid aad u sarreysa ayaa waxaa bixineysa hay’adda caalamiga ah ee Jarmal-Afrika Foundation.

Sidoo kale Abaal-marintan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa la siiyaa shaqsiyaadka ugu fir-fircoon ee ku sugan dhammaan dalalka qaaradda Afrika.

Wasaaradda arrimaha dibadda Jarmalka oo iyadu maal-geliso ha’yadda Jarmal-Afrika Foundation ayaa sidoo kale shaacisay in Elman oo ah gabar dhalinyaro ah lagu sharfi doono dhammaadka bishan magaalada Berlin ee dalkaasi, si loo guddoosiiyo billada.

Gabadha ku guuleystay Abaal-marintan ee Ilwad Elman oo guusheeda ka hadleysa ayaa tiri  “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan aqoonsigan ka helay Jarmalka,”

Dadkii kuu guuleystay billadan oo horey loo siiyey ayaa waxay u ololeeyeen dimuqraadiyadda, nabadda, xuquuqda aadanaha, farshaxanka iyo dhaqanka.

Si kastaba ujeedada loo bixiyo Abaal-marintaani caalamiga ah ayaa ah in lagu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika, waxaana bixinteeda ay soo bilaabatay 1993-kii.

The post Ilwad Elman oo ku guuleysatay Abaal-marinta ugu sarreysa ee AFRIKA first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/ilwad-elman-oo-ku-guuleystay-abaal-marinta-ugu-sarreysa-ee-afrika/

Post a Comment

0 Comments