Golaha guurtida Somaliland oo ansixiyey xeer muhiim ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Mudanayaasha golaha guurtida maamulka Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa meel-mariyey xeerka guud ee doorashooyinka maamulkaasi iyo diiwaan galinta cod-bixiyeyaasha.

Fadhiga maanta oo soo xaadireen illaa 53 mudane ayaa waxaa goluy cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerkaas oo muhiim u ah doorashooyinka soo socda ee Somiland.

Illaa 49 xildhibaan ayaa ogolaatay xeerkan oo markii hore ka soo gudbay golaha wakiilada Somaliland, laba xildhibaan ayaa diiday, waxaana sidoo kale ka aamusay hal xildhibaan, sida uu shaaciyey guddoonka golaha guurtitada ee maamulkaasi.

Xeerka doorashooyinka guud ee Somaliland oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen xildhibaanada ee maanta la meel-mariyey ayaa u gudbaya madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si uu saxiixo xeerkaasi iyo diiwaan galinta cod-bixiyayaasha.

Somaliland ayaa u diyaar garoobeyso doorashooyinka maamulkaasi, waxaana guddiga komishanka uu dhowaan sheegay inay wadaan qaban-qaabada doorashadaasi.

Xisbiyada mucaaradka ee Wadani, UCID iyo midka talada haya ee Kulmiye ayaa dhankooda wada qorshayaal ay ku wajahayaan doorashooyinka Somaliland.

The post Golaha guurtida Somaliland oo ansixiyey xeer muhiim ah first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/golaha-guurtida-somaliland-oo-ansixiyey-xeer-muhiim-ah/

Post a Comment

0 Comments