Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka fuliyey gobolka Gedo

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay diyaarado dagaal maanta ka fuliyeen gudaha gobolka Gedo.

Duqeymaha oo ahaa kuwa culus ayaa diyaaraduhu waxa ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in duqeymahaasi ay si gaar ah uga dhaceen deegaanada Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, balse ma cada inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale lama oga heybta diyaaradaha geystay weerarkaasi dhanka cirka ah, balse waxaa loo badinayaa inay yihiin kuwa Kenya oo inta badan duqeymo ka fuliya gobolka Gedo.

Dhammaan deeganada la duqeeyey oo ah kuwa Mii ah ayaa waxaa dagan dad rayid ah, islamarkaana ah xoolo dhaqato.

Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday gobolka Gedo, halkaasi ay ka geysteen tacadiyo ka dhan bani’adanimada.

The post Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka fuliyey gobolka Gedo first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/diyaarado-dagaal-oo-duqeymo-culus-ka-fuliyey-gobolka-gedo/

Post a Comment

0 Comments