Baydhabo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyey howl-gal saacadihii la soo dhaafay ciidamada milatariga ay ka fuliyeen duleedka degmada Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Somalia.
Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay ku dhowaad 20 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab, sida uu shaaciyey taliska Xoogga.
General Odowaa Yuusuf Raage taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galladaasi wuxuu sheegay in lagu khaariyey illaa 19 dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena nolosha lagu qabtay labo kale, sida uu hadalka u dhigay.
Odowaa ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in ciidamadu ay gubeen labo gaari oo ay lahaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-galladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta laga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab deegaanada ay maamulaan.
Ma jiro dhanka kale wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.
Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.
The post Ciidanka Xoogga dalka oo howl-gal ku dilay 19 ka tirsanaa Shabaab, kuwa kalena nolosha ku qabtay first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/ciidanka-xoogga-dalka-oo-howl-gal-ku-dilay-11-ka-tirsanaa-shabaab-kuwa-kalena-nolosha-ku-qabtay/
0 Comments