Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta xeer ilaaliye u gaar ah u magacaabay tacadiyada loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed, si cadaaladda la hor keeno dadka ku lugta leh dambiyada ka dhanka ah dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Qoraal ka soo baxaya xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in gacanta lagu soo dhigo kuwii abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka & Waxyeeleynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.
Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kordhineyso dadaaladda dowladda ee lagula xisaabtamayo shaqsiyaadka ku eedeysan tacadiyada ka dhanka ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Horey saxaafadda uma laheyn xeer ilaaliye u gaar ah oo dabagal ku sameeya dhibaatada loo geysto bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

The post Xeer ilaaliye gaar ah oo loo magacaabay tacadiyada loo geysto suxufiyiinta first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/xeer-ilaaliye-gaar-ah-oo-loo-magacaabay-tacadiyada-loo-geysto-suxufiyiinta/
0 Comments