Wasiirka haweenka oo iska fogeysay inay gudbisay sharcigii ka hor imaanayey Diinta Islaamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Marwo Deeqo Yaasiin ayaa markii ugu horreysay si faah faah-faahsan uga hadashay sharciga Galmada ee dooda ka dhex-dhaliyey Golaha Shacabka.

Wasiir Deeqo oo wareysi gaar ah siisay Shabelle TV ayaa marka hore shaaciysay in sharcigan uu muddo labo sano ah horyaallo baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana xildhibaanada loo qeybiyey bishii Septermber ee sanadkii la soo dhaafay 2018-kii.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay sugayeen ka wasaarad ahaan in aqrinta koowaad uu baarlamaanku mariyo sharcigaas, kadibna loo yeero, si ay faah faahin uga bixiso, balse waxa ay carabka ku dhufatay in aysan taas dhicin, sida ay hadalka u dhigtay.

Deeqo Yaasiin oo hadalkeeda sii wata ayaa sheegtay in muddo kadib ay maqashay in bishii Augusto ee sanadkan uu markale ka doodayo Golaha Shacabka sharci la yiraahdo Galmada, kaas oo ay tilmaamay in wasaaradeeda aysan gudbin, shaqana aysan ku laheyn.

“Ka wasaarad ahaan shaqo kuma lihin sharcigaas Augusto sanadkan ayaa Golaha Shacabka waxaan maqlay sharci Galmo la yiraahdo in la keenay baarlamaanka xildhibaanadiisuna ay iska diideen, laakiin waxaa ku sheegaa sharciga Galmada ma’ahan sharci aan annaga Golaha keenay”.” ayey tiri wasiirka haweenka xukuumadda Soomaaliua.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay in sharcigan la siyaasadeeyey, islamarkaana ay ka dambeeyaan dad leh dano siyaasadeed.

“Waa la siyaasadeeyey xeerka Jinsiga, dadkii siyaasadeeyey ilaah ayaan ku daayey” ayey markale tiri wasiiraddu.

Marwo Deeqo Yaasiin oo ka jawaabeysay dhaliilaha xoogan ee loo jeedinayey maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in si shaqsiyan ah loo aflagaadeeyo, waxayna xustay in  sharciga dambiyada jinsiga uu yahay sharcigii xukuumadda Soomaaliya.

“Sharcigaan ma ahan sharciga wasiiradda, sharciga dambiyada jinsiga waa sharciga xukuumadda.” ayey sii raacisay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dooda badan ka dhalatay sharciga Galmada oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta Islaam, waxaana si weyn uga dhiidhiyey guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan Culimada Soomaaliyeed.

The post Wasiirka haweenka oo iska fogeysay inay gudbisay sharcigii ka hor imaanayey Diinta Islaamka first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/wasiirka-haweenka-oo-iska-fogeysay-inay-gudbisay-sharcigii-ka-hor-imaanayey-diinta-islaamka/

Post a Comment

0 Comments