Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid shirka wada-tashiga madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu waday in maanta uu ka furmo Muqdisho.
Shirka oo ahaa mid aad loo wada sugayey ayaa waxaa maalin ka hor iclaamiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).
Ilo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa u sheegay Caasimada Online in weli uu jiro is mari-waa u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa maamullada, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weli uu taagan yahay khilaafka dhinacyadaasi, waxaana haatan socda kulamo gooni-gooni ah.
Waxaa sidoo kale baaqday kulan casho ah oo ay lahaayeen dhammaan madax goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka, kaas oo Villa Soomaaliya soo agaasintay.
Sida ogaatay Caasimada Online shirka ayaa qorshuhu yahay inuu furmo maalintida Sabtida ah ee soo socota, waxaana inta ka horreysa sii socon doono kulamada gaar gaarka ah.
Muqdisho waxaa haatan ku sugan dhammaan shanta Madaxweyne goboleed ee dalka, waxaana la filayaa in shirkan go’aan mideysan looga gaaro doorashooyina 2020/21.
The post Shirkii wada-tashiga Muqdisho oo markale dib u dhacay +Sababta first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/shirkii-wada-tashida-muqdisho-oo-markale-dib-u-dhacay-sababta/
0 Comments