Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha Amniga degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa galabta gacanta ku dhigay Maxamed Xassan Cali, oo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab, kaas “oo doonayay inuu hoobiyeyaal ka tuuro” degmada Dayniile.
Gudoomiye ku-xigeenka Amniga gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in shaqsigaasi lagu qabtay degmada Dayniile, islamarkaana dhawaan caddaaladda la horkeeni doono.
“Laamaha Amniga degmada Dayniile ayaa galabta qabtay dhagarqabe Maxamed Xassan Cali oo ka mid ah kooxda Al-Shabaab kaas oo rabay inuu hoobiyeyaal ka tuuro degmada Dayniile,” ayuu yiri gudoomiye Tuulax.
Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa ciidamada amniga oo heegan buuxa ugu jira sidii ay shacabka Gobolka Banaadir uga badbaadin lahaayeen dhagarta cadawga.”
Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu hoobiyaha uu ku tuuri rabay Garoonka Stadium Muqdisho oo galabta ciyaar ay ka socotay. Garoonka kubadda Cagta Stadium Muqdisho ayaa dib loo furay labo bil ka hor, kaddib markii dib u dhis lagu sameeyay.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada iyo xarunta Xalane waxaa ku dhacayay hoobiyeyaal laga soo tuurayay xaafado ka mid ah Muqdisho.

The post Sawirro: Nin weerar hoobiyeyaal ah ka fulin rabay Muqdisho oo la qabtay isaga oo ku guda jira first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/sawirro-nin-weerar-hoobiyeyaal-ah-ka-fulin-rabay-muqdisho-oo-la-qabtay-isaga-oo-ku-guda-jira/
0 Comments