Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay Muqdisho si gaar gaar ah ugula kulmay madaxda HirShabelle & Puntland.
Kulamada oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray xaaladda siyaaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/21.
Sidoo kale hoggaamiyeyaasha maamullada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Puntland iyo Jubbaland ayaa isla soo qaaday caqabadaha hortaagan shirka wada-tashiga Muqdisho.
Madaxda ayaa sidoo kale iska xog-wareystay xaaladaha ammaan ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socdauy kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba ha’ahaatee is mari-waa ayaa wuxuu weli wuxuu ka taagan yahay arrimaha doorashada 2020/2021, kaas oo sii xoogeystay kadib heshiiskii Dhuusamareeb 3.



The post Sawirro: Lafta Gareen, Waare iyo Deni oo kulamo xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/sawirro-lafta-gareen-waare-iyo-deni-oo-kulamo-xasaasi-ah-ku-yeeshay-muqdisho/
0 Comments