Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeriya ayaa kasoo baxaya dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ay saaka ka bilaabeen deegaano ku yaala duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
Dhaq-dhaqaaqyadan oo lagu sugayay amniga deegaanadaasi, ayaa daba socday dagaal ay ciidamda guutada 15-aad qeybta 21-aad ku galeen deegaanka Miir-dugul oo duleedka Koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.
Howl-galadan ayaa sidoo kale qeyb ka ah kuwo deegaanada Galmudug looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab, oo dagaal-yahano ka tirsan kooxdaasi ay gacanta ku hayaan.
Saraakiisha howl-galkaasi hoggaamineysay oo warbaahinta la hadashay ayaa waxay sheegeen inay Al-Shabaab deegaanadaasi ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah.
Muddooyinkii dambe ayaa waxa si weyn looga deyrinayay awooda ay Al-Shabaab ku yeelaneyso Galmudug, tan iyo markii deeganadaasi laga saaray ururka Ahlu-Sunna oo dagaal xoogan uga saaray deegaanadaasi dagaal-yahanada xagjirka ah.
The post Maxaadan ogeyn oo ay ciidamada DF ka wadaan Galmudug? first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/maxaadan-ogeyn-oo-ay-ciidamada-df-ka-wadaan-galmudug/
0 Comments