Habka ay masuuliyiinta Hirshabelle uga badbaadi karaan dilalka Al-Shabaab oo lasoo bandhigay

Jowhar (Caasimadda Online) – Masuuliyiinta maamulka Hirshabelle ayaa dowladda dhexe ka codsaday in wax laga qabto amni darrada ka jirta deegaankooda kaas oo lagu beegsanayo madaxdooda.

Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa bilaabay beegsi dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ugu talagaleen xubnaha Hirshabelle, waxaana dhawaan lagu qaarijiyay Jowhar laba xubnood oo ka tirsan maamulkaas.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise ayaa soo jeedisay talo ay tahay iney raacaan masuuliyiinta maamulka si ay uga badbaadaan qatarta kaga imaan karta Al-Shabaab.

Canab Axmed waxey u sheegtay masuuliyiinta iney is hubeeyaan, sidoo kalana waxey ciidamada ammaanka ugu baaqday iney sameeyaan hawlgallo lagu sugayo amniga oo ka dhan ah kooxaha argagixisada.

“Xildhibaanada Hirshabelle waa iney qoryaha qaataan, is difaacaan, dib u milicsada guryahiina, banaanka soo dhiga dilaayada dariska idinla ah, waan ognahay ineysan nagu qabiil aheyn iyo ineysan ka imaan dibadda, aaway ciidamada galgalan jiray, gala guriyaha soo saara, soona qabta dilayaasha, sidaas hanaloo dhaamo” ayey cod dheer ku tiri Canab Axmed Ciise.

Sidoo kale waxey masuuliyiinta ugu sarreysa Hirshabelle ugu baaqday iney dib ugu laabtaan caasimadda, waxeyna falalkaan amni darrada kusoo aadayaa xilli ay soo dhawdahay doorashada guud ee maamulka Hirshabelle.

The post Habka ay masuuliyiinta Hirshabelle uga badbaadi karaan dilalka Al-Shabaab oo lasoo bandhigay first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/habka-ay-masuuliyiinta-hirshabelle-uga-badbaadi-karaan-dilalka-al-shabaab-oo-lasoo-bandhigay/

Post a Comment

0 Comments