Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee magacaaban, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, si ay u siiyaan codka kalsoonida ah, una guda galo wajibaadka loo igmaday.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu beri horgeyn doono Golaha Shacabka Ra’iisil wasaarihiisa cusub, waxaana Ajendaha uu yahay kalsooni siinta wasiirka koowaad ee xukuumadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa baarlamaanka ka codsan doono inay codka siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee haatan magacaaban saddexda cisho.
Maxamed Xuseen Rooble oo xalay farriintiisii ugu horresay soo duubay ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dalbaday inay codka siiyaan, si uu uguda gali shaqada hor taalla.
Sidoo kale wuxuu xalay la kulmay guddoonka Golahaasi, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka, qorshaha doorashada, wada-shaqeynta xeer dejinta iyo fulinta.
Rooble waa Raa’iisul wasaarihii labaad ee uu magacaabayo Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii la riday Mudane Xasan Cali Khayre.
Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag, isaga oo ugu horreyn ku dhawaaqi doono liiska golihiisa wasiirada, maadaama xukuumaddii hore ay dhacday.
The post Goormee codka kalsoonida loo qaadayaa Ra'iisul wasaaraha cusub? first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/goormee-codka-kalsoonida-loo-qaadayaa-raiisul-wasaaraha-cusub/
0 Comments