Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xil kaas oo loo magacaabay 17-kii bishan September, 2020.
Kulankan oo ay soo xaadireen illaa 215 mudane ayaa waxaa guddoomiyey afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad.
Ugu horreyn waxa kulanka furay guddoomiye Mursal oo xildhibaanada ka hor aqriyey ajandaha kulankan oo ahaa mid gaar ah, laguna ansixiyey Ra’iisul wasaaraha cusub.
Intaasi kadib guddoomiyaha ayaa ku soo dhoweeyey hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban ka jeediyey xarunta Vill Hargeysa oo uu ka dhacay kulanka golaha shacabka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu ku xushay waayo aragnimo, aqoon iyo wadanyadiisa oo sarreysa, kadibna wuxuu ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay siiyaan codka kalsoonida.
Kadib waxaa la gudaha galay kalsooni siinta Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ugu horreyn khudbad u jeediyey Golaha, wuxuuna mahadcelin kadib sheegay inuu wax ka qaban doono amniga, doorashada, dhaqaalaha, cadaaladda, dib u eegista dastuurka iyo dib u heshiisiin.
Sidoo kale wuxuu ballaan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo dalka ka bixisa marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro, kadib wuxuu weydiistay codka.
Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey Ra’iisul wasaaraha, waxaana codka kalsoonida ah siiyey dhammaan 215 xildhibaada ee kulanka soo xaadiray, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Goor dhow ayaa sidoo kale la dhaarin doonaa Ra’iisul wasaaraha cusub, waxaana madasha ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.
The post Deg deg: Xildhibaanada BF oo si aqlabiyad leh ku ansixiyey Ra'iisul wasaaraha cusub first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/deg-deg-xildhibaanada-bf-si-aqlabiyad-leh-ku-ansixiyey-raiisul-wasaaraha-cusub/
0 Comments