Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaadooska Danab ay gudaha u galeen deegaanka Mubaarak oo ay muddo gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Ciidamada oo wata gaadiidka dagaal ayaa gudaha ugalay Mubaarak, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan gudaha deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in howl-gal ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha Mubaarak ay ku qabteen gaari Hoomey ah oo sida walxaha qarxa.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo hoggaaminay howl-galkaasi ayaa warbaahinta u sheegeen inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.
Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oo dhankooda dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka deegaankaasi.
Mubaarak oo tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ah deegaan aad muhiim ugu ahaa Al-Shabaab, waxaana ugu yaallay xarumo ay Canshuuro ku qaadaan iyo Maxkamado.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey how-gallada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
The post Ciidamada Danab oo galay mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsanaa Shabaab first appeared on Caasimada Online.
source https://www.caasimada.net/ciidamada-danab-oo-galay-mid-ka-mid-ah-deegaanadii-ugu-muhiimsanaa-shabaab/
0 Comments