Askar Itoobiyaan ah oo sabab la yaab leh isugu toogtay gudaha Soomaaliya

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in labo askari oo ka mid ah ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ay isku toogteen degmada Luuqa ee gobolka Gedo oo dhaca K/Soomaaliya.

Labada askari ayaa la sheegay in markii hore uu dhex-maray dagaal gacan ka hadal ah, kadibna ay isku soo qaateen hub, sidaasina ay toogteen.

Meydkada labada askari ayaa goor dambe meesha laga qaaday, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababta keentay toogashada ay isu geysteen askartaasi uu sababay muran ka dhashay haweeney saxiib la aheyd labadaa Askari.

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga degmada Luuq iyo saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howl-galka AMISOM  ayaa ku sugan degmooyinka gobolka Gedo, halkaas oo ay ka wadaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.

The post Askar Itoobiyaan ah oo sabab la yaab leh isugu toogtay gudaha Soomaaliya first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/askar-itoobiyaan-ah-oo-sabab-la-yaab-leh-isugu-toogtay-gudaha-soomaaliya/

Post a Comment

0 Comments