XOG: Xaqiiqda weerarka la sheegay inay ciidamada Asluubta ay ku qaadeen taliyaha ciidanka Haramcad?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 8 qof oo ka tirsna booliska Soomaaliya iyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan jirin ciidan ka tirsan Asluubta oo weerar ku qaaday guriga Farxaan Maxamuud Qaroole.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad baraha Bulshada iyo warbaahinta Soomaalida loogu baahiyay wararka sheegayo in la weeraray guriga taliyaha ciidanka Haramcad ee Farxaan Qaroole.

Wararka lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya, in 6 Askari oo ka tirsan ciidanka asluubta ay Axaddii maqribkii ka noqdeen Isgoyska dabka oo la sheegay inuu yiilay gaari qarax looga shakiyay, waxayna markaas wadeen sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta oo dagan Waabari.

Ciidanka Asluubta ayaa guriga sarkaalka ay wadeen damcay in ay galaan Buundo 1-aad kuna aadan Isgoyska dabka, waxaana la sheegay in ay ku tageen aag u xirnaa Farxaan Qaroole, markii ay ka soo laabteena rasaas lagu furay.

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in rasaasta ay fureen ciidanka Farxaan Qaroole islamarkaana aysan jirin wax rasaas ah oo ay bilaabeen ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeyso in Taliye Farxaan Qaroole ciidankiisa qirteen in rasaasta dhankooda ka bilaabatay kadib markii ay ka shakiyeen gaariga goobta ka laabtay.

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa beeniyay in ciidanka Asluubta ay weerar qaadeen kadib markii warbaahinta Soomaalida ay shalay baahisay xogtaas.

The post XOG: Xaqiiqda weerarka la sheegay inay ciidamada Asluubta ay ku qaadeen taliyaha ciidanka Haramcad? first appeared on Caasimada Online.



source https://www.caasimada.net/xog-xaqiiqda-weerarka-la-sheegay-inay-ciidamada-asluubta-ay-ku-qaadeen-taliyaha-ciidanka-haramcad/

Post a Comment

0 Comments