Xildhibaankii maanta gaariga lagala dagay ee HirShabelle oo la dilay iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xildhibaan ka tirsan HirShabelle oo maanta lagala dagay gaari uu la socday, islamarkaana lagu warramayo in lagu dilay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaar ka mid ah Ehellada xildhibaankaasi oo lagu magcaabi jiray, Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa xaqiijiyey in lagu dilay marxuumka deegaanka Yaaqle oo hoostaga Balcad.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay fulisay dilkaasi, waxaana ay shaacisay in dagaalyahanadooda ay kala tageen marxuumka gaari uu la socday.

Mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi ayaa durbo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaankaasi.

Ammaanka jidka dheer ee xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar ayaa muddooyinkan ahaa mid aad u liita, waxaana inta badan weeraro ka fulisa kooxda Al-Shabaab, iyadoona weeraradaas qaarkood lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamalka HirShabelle.



source https://www.caasimada.net/xildhibaankii-gaariga-lagala-dagay-ee-hirshabelle-oo-la-dilay/

Post a Comment

0 Comments