Kismaayo (Caasimada Online ) – Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay howl-gal dhinaca cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala bartilmaameedsaday xero kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi.
Warka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in gabi ahaan duqeynta lagu buburiyey xeradaasi oo lahaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarkaasi lagu dilay hal xubin mid kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab.
“Duqeyntan ayaa lagu dilay hal (1) ka tiran xagjirka Alshabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero ciidan oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen goobtaa.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda federalka Soomaaliya.
Dhinaca kale dowladda federaalka ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah uu duqeyntaasi ka soo gaartay dadka shacabka, islamarkaana ay ka taxadareyso.
“Dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AFRICOM ee Mareykanka ayaa taxadar dheeri ah ku bixinaya ilaalinta waxyeelo soo gaarta shacabka aan waxba galabsan, islamarkaana diyaar u ah in ay si buuxda u baaraan haddii waxyeelo shacab la soo wariyo.”ayaa lagu yiri markale warka qoraalka ee ka soo baxay dowladda federaalka ah Soomaaliya.
Inta badan Mareykanka oo kaashaanaya ciidamada Soomaaliya ayaa weeraro dhanka cirka ka fuliya gobollada Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo iyo Jubbooyinka.
source https://www.caasimada.net/xarun-ay-lahaayeen-al-shabaab-oo-duqeyn-lagu-burburiyey-iyo-khasaare-ka-dhashay/
0 Comments