Taliyaha ciidanka xoogga oo ka bad-baaday qarax is-miidaamin ah oo lagu dili lahaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, hase yeeshee taliyaha ayaa ka badbaaday, sida ay saraakiil u sheegeen VOA

Qaraxa oo ahaa mid xooggan isla markaasna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa  wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Xooggan ee Degmada Hodan.

Wararka hordhaca ah ee aanu helany ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa mid uu waday qof isa soo miidaamiyey lalana beegsaday kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan milaariga.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in taliyuhu uu nabadqabo.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu khasaare gaarsiiyey gaari ay la socdeen ciidamo ilaalo u ahaa taliyaha ciidnaka xoogga.



source https://www.caasimada.net/taliyaha-ciidanka-xoogga-oo-ka-bad-baaday-qarax-is-miidaamin-ah-oo-lagu-dili-lahaa/

Post a Comment

0 Comments