Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa madaxda dowladda Federaalka ee Farmaajo iyo Kheyre iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Kulanka, ayaa ka dambeeyay kulamo gaar gaar ahaa oo xalay illaa shalay ay yeelanayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana kulankaas uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka haatan socda looga hadlayo ajendaha guud ee shirka, iyo sidii iyadoo lagu mideysan yahay ajandayaasha shirka sidii uu ku qabsoomi lahaa shirka Dhuusamareeb 2.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor kulankan si gaar ah kulan ula qaatay Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb, iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan.
Sidoo kale kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo gaar gaar ah oo madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ka yeelanayaan sidii jawi wanaagsan iyo is faham ugu billaaban lahaa shirkooda dhowaan furmaya.
Shirka u furmaya madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, xalinta Khilaafyada jira iyo Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.



source https://www.caasimada.net/sawirro-kulan-haatan-u-socda-madaxda-df-iyo-madax-goboleedyada/
0 Comments