Mareykanka oo laga dalbaday inuu magdhaw ka bixiyo dad ku waxyeeloobay duqeymaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen kaga dalbaday dowladda Mareykanka iney magdhaw ka bixiyaan waxyeelada ay dadka shacabka ah ugu geysteen duqeymahii ay ka geysteen qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa qirtay iney dad rayid ah dhibaato kasoo gaartay duqeymo ay ka geysteen magaalada Jilib ee ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in qirashadaan ay tahay middii 3-aad ee ka timaada taliska AFRICOM muddo 13-sano ah oo ay duqeymo cirka ah ka fulinayaan gudaha Soomaaliya.

“Qirashada Mareykanka ayaa ah kiiskii 3-aad oo ay xaqiijiyeen muddo 13 sano ah oo ay duqeyn xagga cirka ah ka sameynayeen Soomaaliya. Hadda oo ay jirto qirasho wax qabadkooda, waa in sidoo kale jirtaa isla xisaabtanka & magdhawga ay helaan dhibbanayaasha iyo qoysaskooda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay hay’adda Amnesty Inetrnational.

Hay’adda waxey sidoo kale wax la bogaadiyo ku tilmaantay qirashada taliska, inkastoo ay u sheegtay sida loogu baahan yahay iney ka fogaadaan dhibaateynta dadka rayidka ah.

Mareykanka wuxuu sanadahii dambe ka fulinayay Soomaaliya duqeymo dhanka cirka ah, wuxuuna sheegaa inuu la beegsado saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.



source https://www.caasimada.net/mareykanka-oo-laga-dalbaday-inuu-magdhaw-ka-bixiyo-dad-ku-waxyeeloobay-duqeymaha-soomaaliya/

Post a Comment

0 Comments