Dil ka dhaca Muqdisho iyo Shabaab oo war kasoo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu dilay isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan, kaas oo magaciisa lagu soo koobay Feyte.

Sida ay warnaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah sarkaalkaas waxaa dilay nin ku hubeysnaa qori AK-47 ah, kaas oo markii uu dilka geystay kadib goobta ka baxsaday.

Marxuumka ayaa markii la dilayey waxa uu watey gaari nooca raaxada ah, waxuuna Feyte horay uga tirsanaa saraakiishii Nabad Sugidda Soomaaliya ee markii dambe lagu biiriyey booliska.

Sida lagu baahiyey warbaahinta taageerta Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka sarkaalkaas, waxayna sheegtay inuu ahaa taliyaha degmada Hodan.

Qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in sarkaalka ay dileen uu ahaa taliyihii booliska Soomaaliya ee degmada Hodan, weli taliska booliska Soomaaliya kama hadlin dilka loo geystay sarkaalkaas ka tirsanaa.



source https://www.caasimada.net/dil-ka-dhaca-muqdisho-iyo-shabaab-oo-war-kasoo-saaray/

Post a Comment

0 Comments