DF oo shaqada ka ceyrisay 300 oo ah ciidamo Axmed Madoobe loo diyaarsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday in kabadan 300 oo askari kuwaas oo tababar ku qaatay degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Ciidankan ayaa loo tababaray in Al-Shabaab ay ka saaraan degmooyin muhiim ah oo ka tirsan Jubada Dhexe waxaana la sheegay in lakala diray.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ciidankaan oo aan la siinin hub balse inta kale loo dhameystiray loo sheegay in guryahooda ay ku laabtaan haddana aysan awoodin dowladda in ay ka faalo qaado.

Inkastoo aysan mushaar qaadan jirin hadane waxay heli jireen raashin iyo ka warqab kale iyagoo sidoo kale ku jiray xero lagu ogyahay.

Lama oga sababta arintaan ka dambeysay hase yeeshee qaar kamid ah saraakiishii tababarka madax ka ahaa ayaa sheegay in markii horaba ujeedo la’aan iyo ku dulminta maamulka Axmed Madoobe loo aas aasay hadana ay arrimahaasi dhamaad yihiin.

Saraakiil amni ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qalad weyn tahay in 300 oo dhallinyaro ah islamarkaana tababar qaba duurka lagu sii daayo. Waxay walaac ka muujiyeen in cadowga ka faa’ideysto.



source https://www.caasimada.net/df-oo-shaqada-ka-ceyrisay-300-oo-ah-ciidamo-axmed-madoobe-loo-diyaarsaday/

Post a Comment

0 Comments