Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay deegaanka Buulo-Gaduud oo 35 KM u jira magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta maamulkaasi, wuxuuna yimid kadib markii weerar dhabo gal ah oo loo adeegsaday qarax miino lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Jubbaland oo ku socdaalayey halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib uu iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac uu ka dhacay deegaankaasi, kaas oo muddo saacado ah socday.
Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaas ayaa sheegatay in qaraxa koowaad ee ay la’eegatay ciidamada Jubbaland ay ku dishay ugu yaraan illaa 10 askari, kuna dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay.
Dhankooda saraakiil ka tirsan Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, islamarkaana ay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiiyeen, inkasto aysan shaacin tiro ahaan.
Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dib u gurtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee fuliyey weerarkaas iyo qaraxa ka horreeyey intaba.
Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa dowladda ayaa haatan lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.
source https://www.caasimada.net/dagaal-khasaare-badan-geystay-oo-ka-dhacay-gobolka-jubbada-hoose-iyo-wararkii-ugu-dambeeyey/
0 Comments